Site icon Qaamuus

ereyga

farsamo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Aqoon iyo tab lagu qabto hawlgacmeed.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh farsamo

jaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

saanac [m.l] (-cyo/-ciin, m.dh)
Qof farsamo yaqaan ah.

waaya-arag [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iwm. ld waayo-arag.

yeelaal [m.l]
1. Hab; farsamo; tab. 2. Laamo geed oo lagu xoojiyo wadaanta afkeeda.

alaab caydhiin [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-bo ..., m.l)
1. Walax ama shay dabiici ah oo aan gelin weli warshado ama aan la farsamayn. 2. Alaab ay isticmaalaan warshaduhu si ay u farsamotumaan uguna beddelaan alaab la isticmaali karo; alaabta caydhiin waxaa qayb ahaan ka mid ah alaab farsamotuman, oo ay ka mid yihiin looxa jarjaran, burka qamadiga, kuwaas oo sii mara farsamotumid dheeraad ah. ld alaab ceyriin.

aqoon farsamo [m.dh]
1. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeesan uu sharcigu oggolaaday ama ansixiyey. 2. Hab aqooneed, ama xeelad wax lagu sameeyo hawl, farsamo, gaar ahaan dhinaca cilmiga ama farsamada.

casiisad [m.dh]
1. C. ah: ciso leh (haweenay). 2. Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.

ereybixin [m.dh]
1. (nax.) Siinta magac u gaar ah laa siiyo farsamo; fikrad, cilmiyeed iwm. 2. Wadajirka ereyo u gaar ah hal bed aqooneed ama farsamo.

ereyfur [m.l]
(nax.) Wadajirka ereyo u gaar ah hal bed aqooneed ama farsamo, iyadoo erey walba la qeexayo waxa uu yahay.

falsamo [m.dh]
1. Farsamo loo sameeyo hab quruxsan oo isha iyo uurku jeclaystaan. 2. ld falsamaan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version