Site icon Qaamuus

ereyga

farshaxan
(m.l)

1. Fanka qoridda, aslidda, soohidda, falkinta iwm. 2. Qof fanka qoridda, aslidda iwm aad u yaqaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh farshaxan

dhaqan [m.l] (-nno, m.dh)
(bul.) Mid ka kooban fikrado, caadooyin, fan, farshaxan ay sameeysteen ama ay wadaagaan mujtamaca gaar ah.

far [m.dh] (-ro, m.l)
1. Xubnaha dhuudhuban oo ciddiyuhu ku yaallaan oo gacmaha iyo cagaha dadku ku dhammaadaan middood. 2. Hab loo qoro af. 3. Jeex biyo mareen ah. 4. Fandhaal 5. Xuruuf loo adeegsado qorista afka. 6. Hab farshaxan oo wax loo sameeyo.

farabbarad [m.l]
1. Qof wax dhigasho bilaabay. 2. Qof farshaxannimo bilaabay.

farbaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Qof wax dhigasho billaabid. 2. Qof farshaxannimo billaabid.

farshaxannimo [m.dh]
Farshaxan ahaansho.

farxumi [m.dh]
1. Hab qoraal-gacmeed oo qof wax u qoro oo ay adagtahay si loo akhriyo. 2. Hab aan quruxsanayn oo qof u sameeyo farshaxan. ld farxumo.

farxun [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-umaa, -umayd)
1. Qof qoraal-gacmeedkiisa si loo akhriyo ay adagtahay ahaansho. 2. Qof farshaxannimadiisu aanay wanaagsanayn ahaansho.

hab-farsamadeed [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Hab gaar ee wax qabad, badanaa hab la xiriira xirfad gacan ka qabasho. 2. Xirfad iyo awood ee farshaxan, isboorti ama waxqabasho gacmeed, taasoo aad horay ugu martay tababar iyo hawl gacmeed.

kaartoogaraafiyada [m.dh]
(juqr.) Farshaxan-ka ama sayniska samaynta khariidadaha iyo kaartooyinka.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version