Faxal
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:(bot.) Rimaygacmeed lagu sameeyo geedaha aan labaabshaha ahayn sida timirta iyadoo la goynaayo khaylka lab oo marka la qallajiyo lala dhaco khaylka dheddig oo geedkiisii ku yaal.
Faxal
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-llo, m.dh)(baay.) 1. Xubuub cufan oo ka kooban gaamaytyada lab ee iniinta geedka, kuwaas oo ka baxa iyaga oo farabadan kiishfaxalka. 2. Labada laab ee sare ee faxal-sidaha geedka kuwaas oo had iyo jeer midabkoodu yahay hurdi, laab waliba waxa uu ka koobanyahay laba kiishfaxal oo ay ku dhex jiraan boodh faxal badani, kuwaas oo soo baxa marka faxalku qarxo.
Faxal
Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-xlay, -xashay; -xli)(bot.)Faxal sameyn.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga faxal ↴
bacrimane saygot | faxalside | faxlid tallow | faxlid | faxlid | isfaxlid | kahsi |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg