Site icon Qaamuus

ereyga

fitamiin
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective) (-no, m.dh)

Qayb ka mid ah nafaqooyinka cuntada laga helo oo jirka ka shaqaysiisa. ld faytamiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fitamiin

askoorbik-asiidh [m.l]
(kiim.) Fitamiin biyaha ku milanta oo aan looga maarmiin xoojinta soohyada iyo isku haynta unugyada, sameynta kollaanjikana waa ka qayb qaadataa.

bellaagra [m.l]
(daaw.) Cudur nafaqoxumo ama nafaqodarro oo ay keento la'aanta ama kayaraanta jirka fitamiinka la yiraahdo PP oo ka sameysan “nikotiinika asidh”. Astaamaha: maqaarka inta muuqda oo galdhaca, shuban iyo qalbixumo ama qulub.

dhiigyari-daran [m.dh]
(daaw.) Nooc dhiigyari ah oo ay keento fitamiin B12 oo yaraata, waxayna ka timaadda ama maqnaanshaha walaxda loo yaqaan (intrinsic factor) oo sahlan fitamiin B12 ka gudubto xiidmaha oo ay dhiigga u gudubto, ama cunnada oo ay ku yartahay fitamiinka Dh.dad. waxa lagu yaqaan sameynta unugyada cas-cas ee dhiigga oo cilladeysan. Dhuuxa lafta oo ay ku jiraan unugyo loo yaqaan megaloblastas.

faytamiin [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-no, m.dh)
(baay.) Mid ka mid ah iskudhisyada oorgaanikada ah ee noolayaashu uga haahanyihiin xaddi yar si ay cafimaadkooda u sugaan. ld fitamiin

jeermiga xiidmaha [m.l]
(baay.) Baktiiriya caadi ahaan ku jira xiidmaha, qaarkood waxay sameeyaan fitamiin k (vit. K). Waxay ka hortagaan cudurrada baktiiriyada cudurwaddada ah oo aasidh badan ayey meesha ku sameeyaan si jeermiga kale ugu dhinto.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version