fog
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gaa, -gayd)1. Wax durugsan ahaansho. 2. Ka f.: wax, wax kale ka durugsan ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fog ↴
taa [mu.ti.dh] (kuwaas, w)
Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya ka fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “taa soo socota waa Hodan”. ld taas (1) taas
aamanuu [m.dh]
Waqti hore oo aad u fog.
yabaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bqay, -baqday; -bqi)
Dad ama nafley meel fog ka buuqid. ld jabaq². jabaq
faalal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
1. Dhul ku kor faafid. 2. Lugabaxsi meel aan fogeyn ku tegid.
gaadoowe [m.l]
Kalluun xeebta aan ka fogaan oo leh diillimo dheerer ahaan ugu mardimaysan.
gaafo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ftay, -fatay)
1. Bawdyo kala fogeyn (hal). 2. U g.: wax qabashadooda isu diyaarin. 3. U g.: wax baajintooda isku hawlid. 4. Ku g.: wax dhan walba ka marid.
maalinsocod [m.l]
1. Fogaan dhan in qof socod ku gaari karo hal maalin. 2. Socod dharaarta la sameeyo.
or [m.l] (orar, m.l)
Cod wada jir ah oo dad meel fog jooga ka yeera.
raadar [m.l] (-rro, m.dh)
(fiis.) Qalab dareema meesha iyo jihada socodka ee walxo meel fog maraya sida maraakiibta iyo dayaara-daha, waxana qiyaasta laga qaataa dhudaha birlabdanabeedka soo noqday, kaddib mar-kii ay abbaareen walaxda socotay.
raadgur [m.l]
1. ld raadgurid. Doonidda wax maqan meesha uu maray. 2. ld raadgurid. Baaridda arrin iyada oo la eegayo sidii ay u dhacday. 3. Tuug wax qaaday si uusan ula fogaan sixir lagu sameeyo.