Site icon Qaamuus

ereyga

foof
(m.l)

1. Xoolo daaq doonad ah. 2. Meesha xooluhu daaqaan. 3. Inta u dhexeysa xerada iyo daaqsinta. 4. Kadin geel ah. 5. Daaq. 6. ld foofid. ld soof¹.

foof
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)

Xoolo daaq doonasho. ld soof².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh foof

xalfoof [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Dhuun weyn oo salka baruur ku leh oo wadnaha ka dillaacda. 2. Wax kastoo gudo leh oo aan adkayn, ama korka ka adag iyagoo hoos iyo gudaha ka mootaan.

ambabbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof socdaal gelaya waxa uu u baahanyahay siin. 2. Cid safraysa sagootiyid. 3. Xoolo foofaya agaasimid.

barqanoqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qday, -qotay)
Nafley fooftay, goor barqo ah, hoygeeda dib u tegid.

foofi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo daaq geyn. ld soofi.

foofid [m.f.dh]
eeg foof². ld foof¹ (6), soof¹, soofid.

foofin [m.f.dh]
eeg foofi. ld foofis, soofin, soofis.

foofis [m.l]
ld foofin.

foofiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(baay.) Meel yar oo diisan oo ku taalla badhtanka qaybta dambe ee natiinaha qaar ka mid ah lafdhabarleyda. Waa meesha ugu muhiimsan ee uu ku soo dhaco ilaysku, waana halka aasaaska u weyn ee ragga. Waxa laga helaa qorratada, qaar ka mid ah shimbiraha iyo garadleyda ay ku jiraan dadku.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version