gar
(m.l) (-rar, m.l)1. Timaha ka baxa dhabannada iyo daamanka ragga. 2. Halka ay isaga yimaadaan labada daan. 3. Garraarka haweenka guntintiisa. 4. Dhan, dhinac. 5. Xarig adag oo awrta lagu raro. 6. Wadnaha intiisa adag oo baruurta yeelata. ld ge.
gar
(m.dh)1. Dood loogu xaqsoorayo laba dhinac oo arrin isku haya. 2. Daw; xa.
gar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)Caaradda ama afka astaan ama midab gaar ah uga yeeli.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gar ↴
aa' [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-'ay, -'day)
1. Cid ama wax garaacid, u cagajuglayn. 2. Dagaallamid.
ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa
muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo
qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
haaco [m.l]
Qof aad u garaad yar; qof macangag
ah.
qaab [m.l] (-bab, m.l)
1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah.
4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha
dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir. hab
waa [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aayay, -aayday; -aayi)
1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.
og [m.l]
1. ld ogaan (1). Garasho wax loo
leeyahay; arrintaas ogaal baan u falay. 2. Xog
wax laga hayo. Tus. “Ogaalkay nabadgelyo
ayaa halkaa ka jirtay”. 3. Xog'ogaal: oogaanta
wax guntooda la ogyahay. ogaan
qaabis [m.l]
1. Garoorinta la garooriyo caano la
doonayo in la lulo. 2. Q. ah: caana garoor
ah.
xaajaggal [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
X. ah: nin wax garad ah oo xaajo murugtay ka garnaqa.
jaahwareer [m.l]
1. Qas iyo shaki maskaxda galay wax lala garan waayo. 2. ld jaahwareerid. jaahwareerid
jaahwareer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Qas iyo shaki maskaxda galay wax la garan waayid. ld jahawareer². jahawareer