Site icon Qaamuus

ereyga

garnaq
(m.l)

1. Dhexdhexaadin loo sameeyo dad wax isku haya. 2. ld garniqi.

garnaq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday; -niqi)

U g.: laba qof oo wax isku haya dhexdhexaadi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh garnaq

xaajaggal [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
X. ah: nin wax garad ah oo xaajo murugtay ka garnaqa.

caaddil [m.l] (-liin/-llo, m.dh)
Qof dadka marka uu u garnaqayo aan u kala eexan.

xaakin [m.l]
1. (-nno/-immo, m.dh) Gar yaqaan ama qaalli maxkamad u jooga in uu dadka u garnaqo. 2. Qof aan eex samayn.

dacwad [m.dh] (-do, m.l)
Dood garnaqsi iyo eedeyn leh oo laba qof ama ka badan dhexmarta. ld dacwi¹, dacwo.

dhexdhexaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Laba dhinac oo wax isku haya u garnaqid.

dhexdhexaadiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof, dad wax isku haysta u garnaqay.

garniqid [m.f.dh]
eeg garnaq². ld garnaq¹ (2.

garsoore [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Nin sharci yaqaan ah oo u idman inuu dadka u garnaqo. 2. Ninka ciyaaraha kubbadda dhexdhexaadiy.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version