Site icon Qaamuus

ereyga

geesoole
(m.l) (-layaal, m.l/dh)

1. Cayayaan leh labo gees dhaadheer iyo qolof adag. 2. Miro yicibeed oo aan la dhilin oo labadii qolfoodba le.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh geesoole

ahraam [m.dh]
(xis.) Adke salkiisu yahay geesoole iyo dhammaan wejiyada kalena ay yihiin saddex-xagallo wadaaga gees.

birisam [m.l] (-myo, m.dh)
1. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah iskuna sargo'an iyo dhammaan wejiyada kale ay yihiin barbarooleyaal. 2. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah oo iska soo horjeeda laguna magacaabo salalka ahna geesooleyaal isku sargo'an. Dhammaan wejiyada kale waa barbarro ah oo u dhexeeya geesaha talantaaliga ah ee salalka.

isu'eg [m.l] (-gyo, m.dh)
(xis.) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.

salxaale [m.l]
(xis.) Shaxan adke ah oo ku soohdimaysan dulo (wejiyo) leh qaab geesoole. Barta ah halka ay iska gooyaan saddex ama wax ka badan oo dulo (wejiyo) ah oo ku yaalla salxaale waxa la yiraahdaa gees, xarriiqda ah halka ay iska gooyan labada wejinna waxa lagu magacaabaa geftin. Salxaalaha simman dhammaan wejiyada waa geesoole simman oo isku sargo'an.

wareeq [m.l] (-gyo, m.dh)
(xis.) Fogaanta ku dul meeran shaxan kasta oo oodan. Waxa kale lagu qeexaa dhererka xood oodan. Xoodkaasoo noqon kara siman sida goobo ama qabaal ama xood googo'an sida geesoole.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version