Site icon Qaamuus

ereyga

Goob

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. Si wadajir ah oo wax loo qabto (beer). 2. Meesha badarka lagu ururiyo marka beerta laga soo jaro.

Goob

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-bo, m.l)

1. Meel bannaan oo lagu soo bandhigo ciyaaraha. 2. Wax qeyb qeyb u yaalo middood. 3. Meesha ay herintu degto marka ay oroobka tahay. 4. (riw.) Meesha lagu sameeyo masraxi-yadda.

Goob

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-bay, -btay)

Wax baadiddoonid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga goob

baadiggoob | baadiggoob | baadiggoobid | baadiggoobis | gaalis-furan | gaalis-xidhan | maahsan | ogoobey | qaanso | raadgoob |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version