goobo
(m.dh) (-ooyin, m.l)1. Shaxan ka samaysan hal xarriiq oo wareegsan oo xuduntiisu fogaan isle'eg u jirto bar kasta oo xarriqda ka mid ah. 2. Summad goobo ah.
goobo
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-btay, -batay)1. (f.g) Wax lumay ama maqan raadsasho. 2. (f.mg) Ku g.: cid si wada jir ah wax u yeelid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh goobo ↴
gaalis-furan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.
gaalis-xidhan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo ay ku jiraan bar dhammaadyada. Gaaliska xidhan ee u dhexeyaa laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa [a,b]. Marka gaaliska xidhan lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada waxa ugu calaamadeeyaa goobo gudahooda la madoobeeyay.
qaanso [m.dh] (-ooyin, m.l)
(xis.) Qayb ka mid ah xood is-haysta. Haddii meeriska goobo ama xoodad kale oo oodan loo qaybiyo labaqaybood oo aan isle'ekeyn, labada qaanso midda dheer waa qaanso weyn, midda gaabanna waa qaanso yar. Labadooda waxa ay sammeeyaan lammaane qaansooyin oo xisti ah.
yoolyool [m.l]
1. Cayaaro dhawr ah oo ay dhallinyaradu dheelaan habeenkii ama maa-lintii waqtigana ku gaabsadaan, waxaana ka mid ah ciyaar labo goobood (yool) leh oo isaseemid (istaabasho) iyo orod ku badan. 2. ld yoolyoolid.
baay [m.dh]
(xis.) Saamiga uu meeriska goobo kasta la sameeyo dhexroorka goobada. Seebid ahaan waxay le'egtahay, 3.14159. waa tiro ka sarreysa garashada qiimaheeda dhabta ah lama qori karo haseyeeshee waa la cabbiri karaa ilaa heer saxnimo.
badhe [m.l] (-dhayaal, m.l/dh)
(juqr.) Goobo la mala-awaalay oo taalla bartamaha labada cirif dhexdooda, waxaana sameeyay goobahaas sallax la dhex mariyay bartamaha goobahaasi isla markaas waa bartamaha dhulka, waa goobo weyn, wareeggeeduna waa kan ugu dheer ee dhulka; dhulbar.
cambaar [m.dh]
(daaw.) Cudur maqaarka ku dhaca oo goobo-goobo waaweyn oo cuncun leh u yeela; halaamacood maqaarka intiisa sare oo leh cuncun, finan iyo qolof.
dulmeeran [m.l]
(xis.) Shaxan joometiriyeed oo ku dul meeran ama wareegsan kuna oodan shaxan joometiriyeed ee kale. Tusaale ahaan: goobo ayaa lagu dul sawiri karaa geesaha labajibbaarane, markaa goobadu waa shaxan dulmeeran ah labajibbaaranuhuna waa dhexmeeran (eeg dhexmeeran).
farammaggooggo [m.dh]
(c.nafl.) Bahal jaadad badan leh oo badda ku nool oo leh jir buufimo yar la moodo iyo siddeed lugood ama gacmood oo dhuudhuuban oo hoos u jeeddada ku leh goobooyin yaryar oo wax ku dhega ama nuuga. ld farammuggo, faraley (1), farabbadan¹.
foolkaano-dambaseed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Qurubyo yaryar oo laarfa, oo badanaa leh qaab goobo, kaasoo dibadda u soo tuurtay foolkaano iyadoo dareere ah, adkaanaysana markey soo dhacdo.