Site icon Qaamuus

ereyga

goryaan
(m.l)

ld gooryaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh goryaan

annilliida [m.l] (-ooyin, m.l)
(baay.) Faylam ka mid ah laf dhabarla'da oo ka kooban goryaanno maraaraysan, tusaale: dirxi dhuleed. Anniliiduhu wuxu leeyahay jidh jilicsan oo dhululubaysan kaas oo ay ka muuqdaan maraaro. Maraarahaasi waxay aad uga muuqdaan dhinaca dusha iyaga oo u taxan sida fargallada ama kaatun. Dhinaca gudaha maraar kasta waxa tan kale u dhexeeya xuub iyo xaad dag.

goryaan-u-eke [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Nooc gooryaanka ka mid ah oo labada afba dhiigga ku dhuuqa. Waxa laga helaa waddamada cimilada kulul, biyaha iyo dhulka qoyan dhexdooda. Qaar ka mid ah waxay dhiigga ka dhuqaan xoolaha iyo dadkaba qaniinyaduna waxay sameysa cuncun mararna caabuq ama infekshin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version