Gowrac
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:1. Biraynta xoolaha la qalanayo la bireeyo si hilibkoodu u xalaaloobo. 2. ld gowricid.
Gowrac
Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-cay, -cday; -rici)Wax birayn.
Waa maxay Gowracato?*
Calaamadaha lagu garto Gawracatada ?
Calaamadaha gawracatadu waxay bilowdaan maalin ama asbuuc ka dib marka caabuqu yimaado.
- Qandho sare oo gaarsiisan ama ka badan 38°C oo dhaxan wadata.
- Daal iyo tabardaro.
- Midabka maqaarka jirka oo baluug isku badala.
- Xabbeeb iyo cunno xannuun.
- Qufac iyo madax-xannuun
- Wax liqida oo dhib noqota
- Neefta oo qofka ku dhegta
- Qanjirada luqunta oo bar-barara
- Dheecaan uraya oo ka yimaada sanka
Daawaynta Gawracatada
Carruurta iyo dadka kale ee ay haleeshay gawracatadu waxay u baahan yihiin daawayn degdeg ah oo weliba isbitaalka lagu siiyo. Marka la xaqiijiyo jirrada waxaa la siiyaa qofka irbad lagu durayo muruqa ama xiddidka laga siinayo oo milaysa suntii baakteeriyadu jirka ku sii daysay. Dabadeed waxaa la siiyaa bukaanka daawooyinka Anti-biyootiga si loo dilo baakteeriyada gawracatada keenta. Wuxuu kale oo bukaanku u baahan karaa in hawo ogsijiin ah oo sanka laga siiyo. Marka jeermigu asiibo xubno badan oo jirkaa wuxuu bukaanku u baahanayaa in xiddidka laga siiyo daawooyinka iyo dareerayaasha fuuqa soo celiya. Mararka qaarkood haddii suntu gaarto muruqa wadnaha bukaanku wuxuu u baahanayaa daawooyinka wadnaha.
Sidee looga hortgaa gawracatada
Sida ugu wanaagsan ee looga hortagaa waa in carruurta loo dhamaystiraa tallaalka, gaar ahaan kan gawracatada oo dhamaan laga helo goobaha caafimaadka. Talaalka loogaga hortago gawracatada waa kan isagu jira saddexda nooc ee cuddur dilaa ee gawracatada, Teetanada iyo qiix-dheerta oo la yiraahdo DPT. Dhawaan Qaramada Midoobay Soomaaliya waxay ka bilaabeen tallaal cusub oo shanle ah ka hortagaya shanta cuddur ee kala ah gawracatada, teetanada, qiix-dheerta, hepatitis B iyo Hibs( Haemophilus influenzae Nooca B)oo ah nooca baakteeriyada ah ee keenta menegitiska iyo nimooniyada.
Siyaabaha kale ee looga hortago gawracatada:
Haddii aad wajahday ama aad maamushay qof la jirran gawracatada u sheeg dhaqtarkaaga oo waydii in aad antibiotic qaadan karto iyo inkale. Qof kasta oo la kulmay qof caabuqa gawracatadu hayo wuxuu u baahan yahay in la tallaalo.
Xigasho
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga gowrac ↴
udaabtahays | bakhtiggowrac | bakhtiggowrac | bakhtiggowracid | baqtiggowrac | baqtiggowrac | baqtiggowracid | birsol | caali | dhuundhaban |