Site icon Qaamuus

ereyga

gudan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-dnaa, -dnayd)

Wax la guday ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gudan

xaaji [m.l] (xujay/-iyo, m.dh)
(diinta) Nin muslim ah oo waajibaadkii xajka gudanaya ama gutay.

dawaaf [m.l]
1. Wareegga kacbada lagu sameeyo iyadoo waajibka xajka la gudanayo. 2. Socod badan oo warwareeg ku jiro. 3. ld dawaafid.

dawaaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Iyadoo waajibka xajka la gudanayo, kacbada wareeg ku samayn. 2. Socod badan oo warwareeg ku jiro samayn.

dawaafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof xajka gudanaya kacbada ku warwareejin. ld dawaafsii.

gudnaan [m.f.dh]
eeg gudan. ld gudnaansho.

macduur [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
(dii.) M. ah: qof waajib uu gudan lahaa ka baaqdo cudurdaar awgii; marmarsiinyo haysto.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version