habaq
(Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone)H. ku dheh: meel isku tuurid (daal iwm dartii).
dhabaq*
halaysan, la wasakheeyay.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habaq ↴
dhabaq [m.l]
1. Sacab, durbaan iwm oo ciyaar, hees iwm loo tumay oo aan laysla helin. 2. Dhiin yar, baaldacarka fiiddiisa ku samaysma, sida malabka u macaan oo la cuno.
dhabaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bqay, -baqday; -bqi)
Sacab, durbaan iwm oo hees, ciyaar iwm loo tumayo isla heli waayid.
dhabaqsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la dhabqiyey ahaansho.
dhabaqsanaan [m.f.dh]
eeg dhabaqsan. ld dhabaqsanaansho.
dhabaqsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhabaqsanaan.
dhabaqsasho [m.f.dh]
eeg dhabaqso.
dhabaqso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax macaan cunid.
dhabaqtir [m.l]
ld dhabaqtirid.
dhabaqtir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax dhabaqsan dhabaqa ka saarid.
dhabaqtiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la dhabaqtiray ahaansho.