Site icon Qaamuus

ereyga

halow
(m.l)

1. Midab madow oo dabku ku reebo wax gubtey. 2. Kulka ololka dabka ka soo baxa.

halow
(m.dh)

1. ld galow. Meesha godan ee ay iska galaan luqunta iyo sakaarka; dhuun, rubad. 2. H. ah: waddo haloosi ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh halow

afdhalow [m.l]
Cudur afka dadka iyo xoolaha ku dhaca oo bushimaha nabarro u yeela. ld afgorofow.

bahalow [m.l]
ld bahaloobid.

bahalow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Bahal noqosho. 2. Waraaboobid.

dhalow [m.l]
Qof aad u da'weyn oo carruuroobay.

dhalow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof aad u weyn oo carruuroobay noqosho.

galow [m.dh]
ld halow.

horudhalow [m.l] (-wyo, m.dh)
Fool beenaad xoolaha qabata oo calaamadihii foosha leh.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version