Site icon Qaamuus

ereyga

hambo
(m.dh)

Cunto la cunay inta weelka lagu reebo.

hambo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-baday, -batay)

Xantoobo cunto ah af ku shubasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hambo

ciniq [m.dh]
1. In yar oo dheeraad ah oo la siiyo qof wax gatay. 2. Hambo. ld iniq.

guf [m.l] (-faf, m.l)
1. Cad yar oo maro ah weelasha haruubkooda lagu cufeyo. 2. Hambo. 3. Maro.

hambaraac [m.l]
Qof hunguri xun oo meelaha raqdu taal aan laga waayin. ld hamboraac.

hambasho [m.f.dh]
eeg hambo. ld hambad.

hamboorri [m.l]
Riixdin; jug; garabgal.

hamboorri [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
1. Wax hore u tuurid. 2. Wax ku walaahoobid.

hamboorriyid [m.f.dh]
eeg hamboorri².

hamboraac [m.l]
Qof hunguri xun oo meelaha raqdu taal aan laga waayin. ld hambaraac.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version