harag
(m.l) (-rgo/-rko, m.dh)Maqaar nafleyda oogada kore uga rogan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh harag ↴
jabbu [m.l]
(muus.) Durbaan laba af ka daloola oo harag xallafsan ku rogan.
nabar [m.l] (-bro, m.l/-rro, m.dh)
1. Dillaac haragga ama jidhka gaadha dhaawac ku dhacay awgeed; qoon. 2. Raad uu qofka ku reebo dhaawac bogsaday. 3. Kol; mar. 4. Ooddin; aydin; qabatin.
ohli [m.l]
(ohli/-iyo, m.dh) Kolay weyn harag ama mayrax ka samaysan oo badarka iyo waxyaabaha yaryar ee guriga lagu gurto.
saan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Harag xoolaad siiba kan geela iyo lo'da. 2. Tillaabo. 3. Raad.
ugar [m.l]
1. Inan. 2. Harag xoolaad oo la idiimay.
ugar [m.dh] (-ro, m.l)
Kiish ama boorso harag ka samaysan.
wadaan [m.dh] (-aamo, m.dh)
Weel harag, cinjir iwm ka samaysan oo gadaw iyo daddoobbo leh oo inta dawlis lagu xiro ceelasha lagu shubo ama biyaha loogala soo baxo.
xab [m.l]
1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.
xagaaf [m.dh] (-fo, m.l)
Kabo harag ka sa-maysan oo duug ah.
xajiin [m.dh]
Cuncun haraggu dareemo oo oogadu aad u kahato oo waxyaalo kala gaar ah laga qaado (sida: dhirta qaarkeed, habaaska, cunnada, iwm); cadanyo; caaro. ld xajiimo.