haro
(m.dh) (-ooyin, m.l)1. Biyo badan oo fadhiya oo aala macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsanyahay; balli weyn. 2. Hungowga ku dhaca herinta marka ugaar la soo waayo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haro ↴
saabil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Cayaarta (turubka) dabaka-eriga ran yaryar hor marin si uu ranka waaweyni u soo haro. 2. Cid qayaamo wax ugu qaadid.
baabbul [m.dh] (-lo, m.l)
1. Dhogor cufan, dheer oo ka baxda qaarka hore ee libaaxa; shaash. 2. Timo jilicsan, dheer oo uu raggu la haro. shaash
laagfaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
(juqr.) Farac ka baxa oo ka taga webiga intiisa mudan oo aan mar dambe ku soo noqon oo biyaha uu sido ku dara badda ama haro. Waxaa lagu isticmaalaa keliyada badan ee webiga afkiisa ee loo yaqaan delta ama marawaxad suubaaneed.
daruur [m.dh] (-ro, m.l)
(fiis.) Dhibco yaryar oo biyo ah oo ka samaysmay uumi-bax biyood oo galay gibilka, ka dibna ku qaboobay meel joog sare leh oo dhulka dushiisa. Uumi-baxa biyuhu wuxuu ka yimaadaa, harooyinka, webiyada iwm.
dharoor [m.l] (-rro, m.dh)
Dhul sare oo buuraley ah.
dhaxal [m.l]
1. Hantida qof dhintay looga haro. 2. Raad ay ilmuhu ka raacaan waalidintooda.
gargudbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Webi, war, haro iwm labadooda dhan isaga gudbi.
gargudub [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-dbay, -dubtay, -dbi)
Webi, haro, war iwm labadeeda dacal isaga gudbi.
haro folkaaneed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Biyo-fadhiisin ku samaysmay karaytar folkaano oo cidhib go'ay.