hawlgal
(m.l)1. Gaashaanqaad. 2. Si hawsha loo qabto. 3. Waqtiga shaqada la billaabo.
hawlgal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-alay, -ashay)1. Shaqo bilaabid. 2. U h.: wax helitaankooda ku dedaalid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hawlgal ↴
fal [m.l]
(nax.) Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado. Tus. “Guuleed wuu yimid”, “Sucaad way kortay”. F. gudbe: waxaa lagu magacaabaa fal u baahan layeele toosan si uu u hawlgalo sida “arag”, “cun”, “taabo”. Tus. “Sabriye ayaa tufaaxa cunay”; f. magudbe: fal aan oggolaanayn in uu si toos ah u yeesho layeele sida “soco”, “buub”, “weynow”. Tus. “Ismahaan baa soo socota”, “Ismahaan baa u soo socota dugsiga”; f. sifo: waxaa jira falal aan muujinayn waxa uu qabto yeeluhu, balse muujiya xaaladda uu ku suganyahay iyo sifadiisa; falalkani waxay mar waliba ay ku tiirsanyihiin fal “ahaansho”. Tus. “Gabadhu way wanaagsantahay”.
hawlgelid [m.f.dh]
eeg hawlgal².
mindhismo [Magac Dheddig | Noun Feminine]
1. U hawlgalka guur cusub samayntiis. 2. Muddada arooska lagu jiro. 3. Nin la deggan reerka uu wax ka qabo. 4. Qalabka ama hantida lagu taakuleeyo laba qof oo aroos gelaya.
qoriqaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Dad xabaal ka hawlgalay neef u qalid. ld qorijiid².
taxa maamulka [m.l]
(siyaa.) Hab maamul oo ku shaqeeya sharci rasmi ah, oo la raaco, ayna ka hawlgalaan hawlwadeeno.