Site icon Qaamuus

ereyga

hayaan
(m.l)

1. Dhawr geeddi, aan kala go'lahayn, oo meel fog loogu guuro. 2. H. ah: dad iyo xoolo guuraya oo meel fog u socda.

hayaan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-aamay, -aantay; -aami)

Dhawr geeddi oo aan kala go'lahayn meel fog ugu guurid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hayaan

yohoon [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Y. ah: gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheerayna hayaan.

cadowtinnimo [m.dh]
Dareenka colaad iyo xumaan ee laba qof ama ka badan isu hayaan. ld cadowti, cadowtooyo.

colaad [m.dh]
Dareen nacayb iyo isdiidmo ku jira oo laba qof ama ka badan isu hayaan.

dalqo [m.dh]
(c.nafl.) Xubinta codku ka sameysmo, hawadana sambabada ayay ku duwda, waxay ku taal hunguriga cad dushiisa, waxay ka sameysantahay sagaal carjowood oo ay isu hayaan seedo iyo muruqyo xuub gaduudan ayaa ku dadan, waxa ku dhexyaal laba joog o xargaha codka ah oo sameeya codka. ld dalqe.

hayaamid [m.f.dh]
eeg hayaan².

jaranjaro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhagxaan shamiintaysan, kala hooseeya oo aqallada lagu fuulo ama looga soo dego. 2. Laba tiir oo cagasaarro badani isu hayaan oo dhismayaasha lagu fuulo ama looga soo dego. ld jaranjar.

khayaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay/-aanay, aantay; -aami/-aani)
Cid khayaano ku samayn.

khayaanalow [m.l] (-wyo, m.dh)
Qof dhagar badan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version