hebed
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)H. ah: neef irmaan oo ilmo kasta nuugi karo ama qof kasta maali karo.
hebed
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bday, -bedday; -bdi)1. Hebed noqosho. 2. ld hebdi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hebed ↴
bisad [m.dh] (-do, m.l)
Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano. mukulaal; basho; bisad; dinnad; dummad; yaanyuur;
dhebed [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-do, m.l)
Haan biyood bir ah; fiin; galaw.
hebdid [m.f.dh]
eeg hebed². ld hebdin.
hebednimo [m.dh]
Hebed ahaansho.
toojo [m.dh]
Neef irmaan aan si fiican loo fara barin oo dhib iyo shiddo lagu liso; aan hebed ahayn. ld tood¹.
tukanuug [m.l]
Hal hebed ah oo qof kasta iska maali karo; hayaaye. ld tukenuug.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg