Holac
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-yo, m.dh)Kulayl; dab; olol; holoc.
Holac
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:(daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. H.a muddada gaaban waa falgal difaac oo deg-deg ah oo ay soohyadu kaga hortagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaado. Astamaha: xanuun, kul, casaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cad-cad galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda biskood.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga holac ↴
kaadigubasho | olol | afweyn-holac | aroore-holac | beer holac | belbel | belbel | cuncun | dab | dalqoholac |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg