Site icon Qaamuus

ereyga

hool
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-olay, -oshay)

1. Wax xoqid. 2. Timo, dhogor iwm hoobin. 3. Wax dub ka qaadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hool

xagaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Guggub. 2. Fandhaal dheri x. looga hoolo.

xagaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dheri xagaal ka hoolid.

xagaalso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Dheri xagaal ka hoolasho.

yoofil [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Timo aan la firin ee si xun ku dheeraada; yoos; baabbul; hoolif.

alkahool [m.l] (-lo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka badan oo haydaroogsayl (-OH). Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H. Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa dabeecadda kaarboon atamka ay ku dhegsanyihiin.

alkohooliisam [m.l]
(daaw.) Xaalad bukaansho ka timid u barashada aalkohoolka ee qofka, taas oo haddii si kadis ah looga joojiyo keeni karta calaamado: sida gariir, xasilloonila'an, halluujineeshinis iyo qalbi jab.

baldhoole [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Caws dhaadheer, caleemo adag leh oo xooluhu daaqaan raradana laga sameysto oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.

booshool [m.l]
Geri yar oo caano nuug ah.

dhalandhool [m.l]
Socodka la socdo waqtiga qorraxdu kulushahay; baqool. ld dhalandhoolid.

dhalandhool [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oolay, -ooshay)
Qorrax kulul ku socosho; baqoolid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version