hoos
(m.l) (-sas, m.l)Shey if ku qabtay oo ilees-ma-gudbiye ah harka ka soo baxa.
hoos
(m.dh)Meel ay wax kale ka sarreeyaan.
hoos
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)Wax har u yeelid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hoos ↴
aagga-qabow [m.l] (-gag-qabow, m.l)
(jool.)Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada
qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.
eber sugan [m.l] (fiis.)
Heerkulka ugu hooseeya
ee aragti ahaan suurtagala. Waa heerkulka
tamar socodka molikiyuulada iyo atamadu
uu ugu hooseyo, wuxuuna u dhigmaa -
273.15 C ama -459.67 F.
waab [m.l] (-bad, m.l/waab, m.dh)
1. Dhis yar oo la harsado. 2. Dhis dadka buka la jiifiyo ama lagu daweeyo. 3. Hoose birta lagu tumo.
waab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Geed, dhisme aan hoos fiican lahayn wax korka kaga dedid.
xaab [m.l.w]
1. Caleemaha dhirta oo inta engega geedka hoostiisa ku soo daata. 2. Uurkujir (oogada nafleyda). 3. Wax walba intooda xun.
gaabso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Wax dheer, wax gaaban ka dhigasho. 2. (f.mg) Codka gaabso: cod hoos u dhigid. 3. (f.mg) Ka gaabso: wax ka tanaasulid.
haadaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Dhul jeexan, weyn oo hoos u dheer; qar ama bohol. 2. Geedka dharkeynka.
ubuc [m.dh] (-cyo, m.l)
Qaybta hoose ee jidhka xayawaanka. Waxay ka koobantahay caloosha, mindhicirrada iyo organnada
qashinsaarka iyo taranka.
faag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Dhul iyadoo aan hoos loo dheereyn qodid. 2. Geed, koor iwm laga qorayo qaabayn.
faago [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. (f.g) Dibi jixinaya raaf dhul ku jiidid. 2. (f.g) Dhul hoos u qodid. 3. (f.mg) Ka f.: in yar ka
fogaasho.