hoosee
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-seeyay, -saysay)Wax meel hoose jirid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hoosee ↴
eber sugan [m.l] (fiis.)
Heerkulka ugu hooseeya
ee aragti ahaan suurtagala. Waa heerkulka
tamar socodka molikiyuulada iyo atamadu
uu ugu hooseyo, wuxuuna u dhigmaa -
273.15 C ama -459.67 F.
laakoliit [m.l]
(jool.) Kuus weyn oo dhadhaabo shiileed ah oo ka hooseeya dhulka dushiisa, oo marka qaarkood gaaraysa baaxadda buur; waxaa sababa magmada oo soo dhex gasha qolofta dhulka iyadoon soo gaarin dusha, lakabyada dusha waxaa kor u xooda soo gelitaanka.
raadka dobler [m.l] (-dadka ..., m.l)
(fiis.) Isbeddelka muuqda ee rakaadka ileyska ama jabaqda ay bixisay walax soconaysa, marka loo eego ilaaliya taagaan. Marka ay walaxdu ku soo socoto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid kororsan; marka ay walaxdu dhaafto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid hooseeya.
ugu hooseeye [m.l]
Qiimaha ugu yar ama ugu hooseeya.
ugu hooseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.
adhaxle [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. ld araxle.
barbarafow [m.l] (-ro ..., m.l)
(fiis.) Heerkulka hoor iyo wejigiisa adkuhu ay noqdaan kuwo isku dheelitiran, iyagoo ku sugan cadaadis beegal ah. Heerkulkaas wixii ka hooseeya hoorku wuu barafoobaa ama adkaadaa.
biyo-fadhis [m.l] (-syo, m.dh)
(juqr.) Jiid dhul jilcan oo qoyan, badanaa waa godantahay, mararka qaarkoodna dhammaanteed ama qayb ka mid ah ayaa biyaha ka hooseeysa.
buuq [m.l]
(fiis.) Jabaq kasta oo dad dhiba; waxa lagu qiyaasaa iskeelka desibal oo u dhexeeya heerka maqalka ugu hooseeya (0dB) iyo heerka dhawaaqa maqalku xanuuniyo (130dB). Dhawaqyo maqalka qasa oo dhexgala liid rakaad ee marin sigaarsiin.
cadaadis-yar [m.l] (-yo ..., m.dh)
(juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco.