hooseeye
(m.l) (-yayaal, ml/dh)Lambarka hooseeya lambarada jajabka.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hooseeye ↴
ugu hooseeye [m.l]
Qiimaha ugu yar ama ugu hooseeya.
ugu hooseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.
hooseeye ay wadaagaan [m.l] (-yayaal ..., m.l/dh)
(xis.) Dhufsanaha ay wadaagaan hooseyeyaasha laba ama dhawr jajab, ama tirada haraa la'aan u qaybsanta hooseeye kasta ee jajabka. Hooseeye yaraha ay wadaagaan waa tirada ugu yar ee ah dhufsane ay wadaagaan hooseyeyaasha jajab.
jajab-caadi [m.l] (-byo ..., m.dh)
(xis.) Jajabka sarreyehiisa iyo hooseeyehiisuba ay yihiin abyooneyaal, waa tiro u qoran qayb ahaan sida a, a waa sarreeye, b-na waa hooseeye. Waxa kale oo lagu magacaabaa jajab fudud.