hooy
(u.j)1. War h.!: erey qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo; waryaa! 2. Naa h.!: marka qof haween ah lala hadlayo ayaa la adeegsadaa naayaa. 3. Hooyaay!: marka dad badan lala hadlayo ayaa la adeegsadaa waryaadahee.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hooy ↴
eeddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Haweeneyda aabaha la dhalatay. 2. Haweeneyda aabuhu qabo oo aan hooyada ahayn; aayo. 3. U.j: eeddoy! 4. U.j: wiilka aan eeddada u ahayow!; gabadha aan eeddada u ahayey!
ugxandhalid [m.dh]
(baay.) Taran ugxanta bacrinsani ay ku korto kuna dillaacdo marin ugxaneedka hooyada.
ummulbax [m.l]
Dhammaadka afartanka casho ee ugu dambeeya kolka ay hooyadu ummusho.
uurdoox [m.l]
Cunugga aan sida caadiga ah u dhalane bogga hooyadiisa laga soo saaray; bogdoox.
uurjiif [m.l] (-fyo, m.dh)
(baay.) Heerka ugu horreeya ee koritaanka xayawaanka, laga soo bilaabo marka ugxanta bacrintay ay bilowdo inay qaybsanto, iyada oo ku jirta organnada taranka ee hooyada ilaa ay ka dillaacayso ama ka dhalanayso.
yaraan [m.l] (-nno, m.dh)
Carruur hooyo wada dhashay midka ugu dhalasho dambeeya; guradambeys.
yeber [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Y. ah: ilmo isku hooyo ah kan ugu yar; gurudambays.
yicis [m.dh]
1. Carruur yaryar oo tabar daran nafaqo darro awgeed. 2. Carruur yaryar oo hooyadood dhimatay.
aayo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Afo waxa ay u tahay carruurta ninkeedu ka dhalay naag kale. 2. Haweeney qof abtigii ama adeerkii qabo. 3. Qof waxa ay u tahay hooyadiis walaasheed; habaryar. ld aaye.
abaydin [m.l/dh.kh]
A. ah: ilmo yar oo naaska hooyo aan nuugin.