Site icon Qaamuus

ereyga

hooyo
(m.l.w)

eeg hoy.

hooyo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Qof dumar ah oo wax dhashay. 2. Erey gacalo. 3. U.j: hooyoy! 4. U.j: wiilkaygiyow!; gabadhaydiyey.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hooyo

yaraan [m.l] (-nno, m.dh)
Carruur hooyo wada dhashay midka ugu dhalasho dambeeya; guradambeys.

yeber [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Y. ah: ilmo isku hooyo ah kan ugu yar; gurudambays.

abaydin [m.l/dh.kh]
A. ah: ilmo yar oo naaska hooyo aan nuugin.

bah [m.dh] (-ho, m.l)
1. Naago nin qabo middood iyo carruurteeda. 2. Isku b. ah: carruur hooyo keli ahi wada dhashay. 3. Xiddigo dayaxu maro oo u dhexeeya xoor iyo faruuryo. ld baho.

bahwadaag [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Walaalo isku hooyo ah aan isku aabbo ahayn. 2. Dad, ummad, iwm oo isgaashaanbuursi ka dhexeeyo.

dabsii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
Ilmo xoolaad, yar, aan hooyo lahayn, neef kale nuujin.

guridambays [m.l]
Carruur isku hooyo ah kan ugu dambeeya.

guruddambays [m.l] (-syo, m.dh)
Wiil ama gabar hooyo ku dhalmaddeysay oo wax ay dhasho ugu dambaysa. ld garuddambays.

habar [m.dh] (-bro, ml.)
1. Naag duq ah. 2. Hooyo. 3. Dubaarad, dubnad.

habarwadaag [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Walaalo isku hooyo keliya ah.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version