Site icon Qaamuus

ereyga

horay
(m.dh)

Dhanka loo jeedo; hagaag; fool. ld hore.

horay
(Falkaab | Adverb)

1. Hor. 2. Waqtigii hore.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh horay

laad [m.l] (-dad, m.l)
Lugta oo horay wax loogu dhufto; haraati.

laad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Lugta horay wax ugu haraatiyid.

laafyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Iyadoo la iswaydaarinayo gacmaha marka la soconayo horay iyo gadaal u ridid.

saadaal-cudur [m.dh]
(daaw.) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafi-maadka guud ee bukaanka, da'da iyo jin-siga bukaanka.

calyoceshade [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-dayaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Dir hoosaad naasleyda qoobabka leh oo ay ka midyihiin idaha, riyaha, lo'da iyo cawsha. Waxa astaan u ah calool afar lakab ah, oo qaybta ugu horaysa la yidhaahdo “ruumen” taas oo burbuisa “selilowska”. Cuntada waxa si ku meel gaadh ah loogu keydiyaa “ruumenka”, halkaas oo dib loogu burburiyo looguna calaaliyo balbka, inta aan la liqin loona gudbin qaybta kala ee caloosha iyada oo dheefshiidku halka ka sii socdo.

daltabyo [m.dh]
Qaban waayidda ay nafley qaban weydo dal ku cusub oo aaney horay u joogi jirin.

deyd [m.l] (-dad, m.l)
Dhis wareegsan oo aqallada iwm lagu wareejiyo ama horay looga yeelo. ld deyr.

dhalo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ashay, -alatay)
1. Ilmo uur ku jira ifka (aaduunka) imaansho. 2. Soo bixid ama kawsasho (bil ama dayax); bilasho. 3. Wax aan horay u jirin, abuurmid. Tus. “Kacaan baa dhashay”. 4. Kubbad lagu ciyaarayo shabaq gelid.

dhimmanaasho [m.dh]
(daaw.) Xaalad uu koritaanka maskaxdu horay u joogsatay ama ay maskaxdu si aan dhammayn u kortay.

dholol [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-olay, -oshay)
Ku dh.: arrin horay si faahfaahsan looga hadlay ku celcelin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version