Site icon Qaamuus

ereyga

horyaal
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Madax; horfiiq. 2. Cidda koobka ciyaarta ku guulaysato. 3. (-llo, mdh.) Xakabadda ceelasha kan ugu weyn oo ugu hooseeya.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh horyaal

afyaal [m.l]
1. Hoggaamiye; horyaal. 2. Qof cid u qaabbilsan soo dhoweynta. 3. Aftahan. 4. Oodafo. 5. Mir ka duwan iniinaha tusbaxa, dheer, oo soo ooda taxa tusbaxa.

gufeys [m.l] (-syo, m.dh)
1. Xakab yar oo ka dambeeya xakabka horyaalka ah. 2. ld gufeyn.

horyaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(nax.) Curiye aan doorsoomin oo hawshiisu tahay in layeele dadban uu qabadsiiyo falka weerta. Tus. “Safiya baa salligaas ku tukatay”.

horyaalnimo [m.dh]
Horyaal ahaansho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version