hule
(m.l)Cudur qanjirrada gala oo baabi'iya.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hule ↴
qaab-dhuleed [m.l] (-bab ..., m.l)
(jool.) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.
taag-dhuleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(juqr.) Laab-ka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
biro-dhuleed-alkaliin [m.l]
(kiim.) Curiyayaasha ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Inkasta oo aanay aad ugu milmin biyaha haddana waxay la sameeyaan iyo beysyo. Waxay dhamaantood ku leeyihiin laba elektaroon heertamarta ugu sarreysa. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay II. Biraha ururkani waa: biriliyam (Be), magniisiyam (Mg), kaalsiyam (Ca), istorontiyam (Sr), baariyam (Ba) iyo radiyam (Ra).
biyo-dhuleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
cabbir-dhuleed [m.l]
(juqr.) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iwm, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
dheryadhulee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Si gaar ah hilib u hogeyn.
dhidib-dhuleed [m.l] (-byo ..., m.dh)
(c.fal.) Xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh.dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.
dhuxuldhuleed [m.l]
ld dhuxuldhagaxeed.
huleel [m.l]
ld huleelid.