Site icon Qaamuus

ereyga

ilig
(m.l)

(ilko, m.l) (c.nafl.) Xubno cadcad, adag ku teedsan daamanka lafdhabarreyda ee wax lagu gooyo laguna calashado middood.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ilig

afarfoolle [m.l]
Ilmo yar oo ay u soo baxeen afartii ilig oo ugu horreysay, oo ah afarta fool.

bilig [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; big.

biligbilig [m.dh]
1. Dhimbilayn. 2. Babbinta.

biliglayn [m.f.dh]
eeg biliglee.

biliglee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
Iftiin meel dheer bilig ka dhihid.

boojis [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-syo, m.dh)
Qof hubeysan oo si sharci darro u laaayo ugaarta si uu uga ganacsado haraggooda, iliggooda iwm.

daandheero [m.dh]
Cudur geela ku dhaca oo ka dhasha ilig si xad dhaaf ah u dheeraada oo uu neefku calaliska ku dhibtoodo.

faan [m.dh] (-no, m.l)
1. Ilig dheer. 2. Foolasha maroodiga ee dhaadheer midkood.

faranfar [m.l] (-rro, m.dh)
(c.nafl.) Naasley yar, god uu dhulka ka qotay ku nool oo leh laba ilig oo dhaadheer iyo af dhuuban. ld ferenfer.

filig [m.l]
1. Qalab yar oo inta sun lagu shubo cayayaanka lagu buufiyo. 2. Sun hoore ah oo cayayaanka lagu buufiyo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version