imaad
(m.l)ld imaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh imaad ↴
qaabbil [m.l] (-llo, m.dh)
1. Docda wejiga ah oo soo jeedda. 2. Cid ka hor imaad, soo dhoweys. 3. Qaabbilkayga: hortayda, tooskayga. hortayda, tooskayga
caafimaad [m.l]
Cudur iyo jirro la'aan.
caafimaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Cudur, jirro iwm ka bogsasho.
caafimaad-beeleed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.
caafimaaddarro [m.dh]
Xaaladda nafley jirran ku sugan tahay.
caafimaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley caafimaad siin (Ilaah).
caafimaadid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caafimaad². caafimaad
caafimaadin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caafimaadi. caafimaadi
caafimaadqab [m.l]
Xaalad caafimaad leh oo nafley ku sugnaato. ld caafimaadqabid. caafimaadqabid
caafimaadqab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Xaalad cafimaad ku sugnaan.