immin
(m.dh)ld ammin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh immin ↴
eeg [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
1. eegga: waqtiga markaa la joogo; imminka, hadda. 2. eeggayga, eeggaga iwm: markayga, markaaga iwm.
ammin [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Goor; waqti. ld immin.
amminka [m.dh.fk]
Hadda; eegga. ld imminka.
cag [m.dh] (-go, m.l)
1. Canqawga inta ka hooseysa ee lugta dadka ama nafleyda qaarkeed. 2. (fk) C.ta/c.aha: imminka; hadda.
cagi [m.dh]
1. Wakhtiga markaa la joogo; haddeer; imminka. 2. Meel.
imminka [m.dh.fk]
Goorta la joogo; hadda; haddeer; eegga. ld amminka.
mansuun [m.l] (-no, m.dh)
(juqr.) Eray ka soo askunmay kelmadda carabiga ah ee “mawsim” macnaheeduna yahay “xilli”, carabta ayaana u isticmaasha dabaylo, xilliyeedka ka dhaca Badda Carbeed, kuwaas oo muddo lix bilood ah ka soo dhaca dhanka koonfurta galbeed (KG), lix biloodna ka soo dhaca dhanka woqooyi bari (WB). Imminka guud ahaan waxaa lagu isticmaala dabaylaha jihadoodu xilliyada isla beddesho. Waxay si gaar ah xoog ugu leeyihiin kulaalayaasha dhanka bari ee qaaradaha, laakiin, sidaas oo kale, waxay ka dhacaan kulaalayaasha a bannaanka, maxaa yeelay Bariga Aasiya waxay gaaraan ilaa 60 ee woqooyi.
sallax-barafeed [m.l]
(juqr.) Cuf ballaaran oo baraf ah oo daboola dhulal ballaaran ee ku dhaca cirifyada; sallaxa barafka dushiisu sida badan waa simanyahay. Baraf gogollada Giriinland iyo Antaartika waa kuwa keliya o waaweyn oo imminka jira.
tee [mu.we.dh]
(kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig, oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “Waa tee midda hadlaysa imminka?”.