Site icon Qaamuus

ereyga

ina
(mu.dhm.ly)

Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo aan kuwa lala hadlayaa ku jirin. Tus.: “Ninku waa ina wada arkay ee maxaynu samaynaa?” ld inna³.
Inaba caadi ma aha*

aad ugu bogid. ka helid . la yaabid  Bandhigii Suldaan Seeraar inaba caadi ma ahayn xalay


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ina

ubaxley [m.dh (bot.)]
Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.

daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”. dayay, deysay, deyn

daabbad [m.dh] (-do, m.l)
1. Neef xoolo ah oo la rarto ama la fuulo. 2. Nafley weyn oo la rumeysanyahay inay badda ku jirto, balse aan weligeed la arag.

daaddeg [m.l] (-gyo, m.dh)
(juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.

naawil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Wax inay dhacayaan malayn; filid. 2. U n.:cid wax u gudbin.

nabaaddiinaxir [m.l]
(dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.

nabaaddiinaxir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo.

nabaaddiinaxirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg nabaaddiinaxir².

oordinayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(xis.) Kulanka-y oo barbarro ahaan loogu cabbiro dhidibka-y ee ku yaalla habdhiska kulannada kaartis (Barbardhig Absiisa).

organ [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Qayb ka mid ah jidhka noolaha oo u khaas ah, inay qabato hal shaqo ama in ka badan. Tusaale, xayawaanka: dhegaha, indhaha, sambabada iyo kelyaha. Tusaale, dhirta: caleemaha, xididdada iyo ubaxa. Organku wuxuu ka koobanyahay nudo badan oo kala duwan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version