Site icon Qaamuus

ereyga

Jaan

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

Uun rooxaan ah oo aan aadamuhu arki karin; jinni.

Jaan

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa.

Jaan

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-aamo, m.l)

1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga jaan

jaandheer | jaangeri | jaango'an | jaango'naan | jaango'naansho | jaangoo | jaangooyo |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version