Site icon Qaamuus

ereyga

jabto
(m.dh)

Cudur ku dhaca xubnaha dhalmada iyo kaadida: waxaa ka yimaada malax iyo carun, waana lays qaadsiiyaa. ld jabti.

jabto
(m.dh)

(daaw.) Cudur ka mid ah cudurrada galmada waxaana keena baktiiriyada loo yaqaan “Neisseria gonorrhoeae” wuxuu ku dhacaa xubnaha cawrada ee ragga iyo dumarkaba.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jabto

dhanballan-bu'eed [m.l]
(kiim.) Falgal bu'eed oo bu'culus (sida yuraaniyam) ay u kala jabto labo qaybood (maxsuul dhanballan), taas oo sababta bixiinta labo ama saddex niyuutaroon, iyo xaddi tamar oo u dhiganta faraqa u dhexeeya cufka neg ee niyuutaroonnada iyo maxsuulka dhanballanka iyo cuf neg ee bu'da asalka ah.

dhuux-lafo-holac [m.l]
(daaw.) Halaama- coodka dhuuxa iyo lafaha oo uu keeno caabuq. Waa khatar la socota markii lafi jabto, waa in si aad ah looga taxadaraa mar walba oo dhuuxa la gaaro xilliga qallinka lafaha iyo xubno-isgoysyada. Waxa kale oo keeni kara jeermi dhiigga la socda.

gale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Cudur ku dhaca xubnaha taranka ee dadka, oo keena dhabar xanuun iyo dhalmo la'aan; jabto. 2. Dabayl xoog leh. 3. Gebi tog.

jabti [m.dh]
ld jabto.

jajabe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Cayayaan u eg ukun yar, cad, leh qodxo yaryar soo taagtaagan oo qofkii ay ku jabto gaarsiisa dhibaato.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version