jaree
(Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive)2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xarig jare ah xoolo ku xirid. 2. (f.mg) Dheesha jarta ku adkaan. 3. (f.mg) Baqdin, naxdin ama xanuun la gariirid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jaree ↴
dabuuq [m.l]
D. ah: xarig dun laga sameeyo oo fardaha lagu jareeyo.
dharrooc [m.l]
Baqdin weyn oo qofku la jareeyo.
jarayn [m.f.dh]
eeg jaree.
jareer [m.l]
1. Qof timo adag 2. Geed-gaab aan qodax lahayn oo qoryihiisu dhaqso u qoyin.
jareexayn [m.f.dh]
eeg jareexee.
jareexee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-xeeyay, -xaysay)
Cay kaftan ah cid u jeedin.
jareexo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhaawac cid la gaarsiiyo. 2. Ceeb cid lagu sheego. 3. Cay cid loo gaysto.
kadiidyo [m.dh]
Qandho lala jareeyo. ld kadiido.
jareer [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Timo adag.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg