Site icon Qaamuus

ereyga

jarjar
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

1. Lacag inta ka samaysan bir, maar, macdan iwm oo sarrifka ah. 2. Dad aan isku dhalasho ahayn oo la isu keenay. 3. Kalaankal.

jarjar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Wax mid ahaa qaybo u googoyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jarjar

qaarxabaal [m.l]
1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo.

yaryaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Yaryar ka dhigid; jarjarid; dhuudhuubid.

alaab caydhiin [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-bo ..., m.l)
1. Walax ama shay dabiici ah oo aan gelin weli warshado ama aan la farsamayn. 2. Alaab ay isticmaalaan warshaduhu si ay u farsamotumaan uguna beddelaan alaab la isticmaali karo; alaabta caydhiin waxaa qayb ahaan ka mid ah alaab farsamotuman, oo ay ka mid yihiin looxa jarjaran, burka qamadiga, kuwaas oo sii mara farsamotumid dheeraad ah. ld alaab ceyriin.

googgooso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Wax qaybo u jarjarasho. 2. (f.mg) Cid hadal la qeybsasho.

jarjaran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay)
Wax mid ahaa oo qaybo loo googooyay noqosho.

jarjaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax mid ahaa oo qaybo loo googooyay ahaansho.

jarjarid [m.f.dh]
eeg jarjar². ld jarjaris.

jarjaris [m.dh]
ld jarjarid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version