Site icon Qaamuus

ereyga

jaro
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-rtay, -ratay)

1. Wax qayb ka goosasho. 2. Timo si wanaagsan u goyn. 3. Haad booladu tahay haad kale ku qabsasho. 4. Shax xabbad qaadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jaro

laangooyo [m.dh]
1. ld laangooyn. Goynta xilli abaar ah xoolo loo gooyo geedaha magoolay laamahooda. 2. Jaridda meel jiq ah laame laga jaro si loo maro. 3. Astaan lagu muujiyo jaho la aaday.

oksiin [m.dh] (-no, m.dh)
(baay.) Koox ka tirsan walxaha koritaanka dhirta oo masu'uul ka ah dariiqooyinka ay ka mid yihiin kor u qaadidda koritaanka si uu unuggu u ballaadho, sugidda shiiqista figeed iyo bilaabidda samayska xididka marka la jaro.

baangad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab gadaal ku leh daab la qabsado oo ka samaysan bir dheer, xalleefsan, xoodan, hal dhinac wax ku goysa oo geed nugulka iwm lagu jaro.

beerfalid [m.dh]
Xilli haramada laga jaro beerta. ld beerfal, beerfalis, beerfalow (2).

boqnagooyo [m.dh]
1. Luggooyo. 2. Jaridda feylaha la jaro si loo curyaamiyo. ld boqnagoyn.

cadbaar [m.l]
(cadadbaar, m.l) (daaw.) Cad yar oo laga jaro xubin ka mid ah jirka si loogu baaro waynaysada waana habka ugu saxsan oo lagu sugo aqoonsiga kansarka.

ciddi [m.dh] (-iyo ml.)
1. Cad gees la mood oo xalleefsan oo ka baxda faraha fooddooda sare. 2. Qolof libaax badeedka laga jaro oo loo shito uunsi ahaan. ld ciji, cijo, cinji.

collob [m.dh]
1. Hilib si yaryar oo oodkaca ka waaweyn loo jaro oo subag lagu shiilay ku jira. 2. Oodkac. ld coldhob, locob.

foodgooyo [m.dh]
1. Wax foodda sare laga jaro. 2. ld foodgoyn.

godin [m.dh] (-dmo, ml.)
1. ld godimmo, gudimmo, gudin. Qalab bir ah oo faaska ka yar oo leh daab gaaban oo qori ah oo geedaha lagu jaro. 2. Xiddigaha raqaha loo yaqaan kuwa ugu horreeya. 3. ld godan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version