Site icon Qaamuus

ereyga

jawi
(m.l)

1. Hawada dhulka ku wareegsan. 2. Cimilo.

jawi
(m.dh)

1. Nabar aan biskoon; joqofey. 2. Dhul hawd ah oo oomane ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jawi

cimilo [m.dh] (-ooyin m.l)
Xaaladaha kala duwan ee jawi oo meeli leedahay.

dharab-barafeed [m.l]
(fiis.) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.

farjawi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
ld jaawi².

farjawin [m.dh]
ld jaawin.

farjawis [m.l]
ld jaawin.

meerkac-dabayleed [m.l]
(c.cimi.) Kolmo yar oo dabayleed oo degdeg ugu wareegaysa dhidib taagan ama wax yara janjeedha, oo dhexda ku leh meel cadaadiska jawigu hooseeyo. Marmarka qaarkood way dheertahay, lamadegaannadana waxay ka kicisaa siigo, ama, qiyaas yar; xanfaley.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version