jecel
(Fal Gudbe4 | Verb Transitive4) (-claa, -clayd)Wax, wax aad u raba ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jecel ↴
maaddi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
M. ah: qof lacagta, xoolaha aad
u jecel oo dantiisa wax kasta ka hormariya.
haami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax si aad ah loo jecelyahay qalbi ku hayn.
qaalmaqooqshe [m.l]
Caws jilicsan oo dhirta hoosteeda ka baxa oo geelu aad u jecelyahay.
saar [m.l] (-rar, m.l)
1. (bot.) Dhirta faalasha nooc ka mid ah oo caleemo yaryar iyo laamo jilicsan leh oo geedaha ku dul faafa geeluna aad u jecelyahay. 2. Cayaar jaadad badan u kala baxda oo siyaalo kala duwan loo tumo; saar-lugeed, saar-mooye.
taan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Ku t.: wax la jecelyahay ku fekerid.
uriso [m.dh]
Wax loo akhriyo in laysku nacsiiyo laba qof oo israbta ama is jecel.
waalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
1. Qof waalli hayso ahaansho. 2. U w.: cid wax si xad dhaafa ah u jecel ahaansho.
waddani [m.l] (-iyiin, m.dh)
Qof waddankiisa aad u jecel.
xabow [m.l]
Geed aan qodax lahayn oo badaha agtooda ka baxa oo geelu jecelyahay.
abbaaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Wax ay gabadhi u tahay wiilka ama gabadha la dhalatay. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo gabdhaha wada dhashay ama xigto ah ama is jecel isugu yeeraan. 3. Gabadhi waxa ay u tahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abbaay, abbaayo.