jeedi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax foolkoodu jiho gaar ah ku aaddanaa meel kale u duwid. 2. Cid hawl ay fulin lahayd ka hoosaasin. 3. Hadal, khudbad, iwm meel fagaare ah ka sheegid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jeedi ↴
naa [u.j]
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo
ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo;
magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus.
“Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa. naayaa
ee [u.j]
Eray qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo. Tus. “Ee aabbe!”. ld eeyaa. eeyaa
eedayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Eed isu jeedin.
eedee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Cid eed u jeedin.
haaraan [m.l]
1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo. ld haaraamid. haaraamid
haaraan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
1. Ku h.: eed aan sal lahayn cid u jeedin. 2. Cid ceebeyn.
maandhay [u.j]
Erey qof dheddig ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandha.
maandhe [u.j]
Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandhow.
naayaa [u.j]
Erey haweeney lala hadlayo dareenkeeda lagu soo jeediyo, xushmadarrana huwan. ld naa.
nacalad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Caro Eebbe cid caasidey ku dhicid. 2. Cid cay iyo eedayn u jeedin. ld lacanad², lacnad², nacallad², nacdal².