Site icon Qaamuus

ereyga

Jiido

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

(c.fal.) Shanta gobol ama jiidood ee dhulka marmarka qaarkood loo qeybiyo. Waa meelaha ku dhex jira goobaha Artik iyo goobaha Antaartik, oo sida ay kala horreeyaan loo yaqaan jiid baradeedka woqooyi koonfur; meelaha u dhexeeya goobada artik iyo kulaalaha wqooyi, iyo goobada Antaartik iyo kulaalaha koonfureed waxa loo yaqaan sida ay u kala horeeyaan jiidda dhexe; reelaha labaa dhinac ee dhulbadhaha ee u dhexeeya kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed, waxa loo yaqaan jiidda kulul.

Jiido

Qaabnaxa: Fal Gudbe3 | Verb Transitive3 Isrogrogga: (-iitay, -iidatay)

1. Soo j.: docdiisa u jiidid. 2. Wax la tegid iyadoo dhulka lagu jiidayo. 3. Meel fog aadid, tegid. 4. Dhimasho.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga jiido

laastiko | oodjiid | dheg | dhiftin | dildil | gacnootis | hanjiido | jiidasho |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version