jile
(m.l)ld jilaa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jile ↴
beerjileec [m.l]
1. Raxmad iyo debecsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld beerjilcanaan.
calooljileec [m.l]
1. Dareen naxariis iyo turaal leh oo aadanaha ku beerma. 2. Dareen nuglaan iyo debec leh oo loo yeesho arrin aan la hubsan.
jilaa [m.l]
(riw.) Qof metela ruwaayadaha, filimada iwm. ld jile.
jilayn [m.f.dh]
eeg jilee. ld jilays.
jilcan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax la jilciyey ahaansho. 2. Wax jileec ka muuqdo ahaansho.
jilci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax jileec ka dhigid. 2. Wax sahal ka dhigid.
jilee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Wadaan biyo ka buuxin. 2. Abaabulid (cayaar).
jileec [m.l]
1. Adkaan la'aan; fudayd; debec. 2. Karti iyo awood-darro cid ka muuqata.
jilicso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax jileec ka dhigasho. ld jilciso.