Site icon Qaamuus

ereyga

jin
(m.l)

1. Uun Eebbe oo ka duwan malaa'igta iyo Aadamiga, isugu jira caasi iyo caabud oo dadku uusan arki karin. 2. J. ah: wax isla eg. 3. J. ah: Qof dhib badan.

jin
(m.dh) (-imo, m.l)

Dhudhunka gacanta geestiisa calaacasha xigta.
Jindhadh*

Macnaha halkan ku qor


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jin

naadi [m.l] (-iyo/-iyaal, m.l/dh)
1. Rug dad isku dan ahi ku kulmaan. 2. Dad isugu tegay arrimo siyaaso, jinsiyad, ama bulsho.

caajin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caaji. caaji

jaan [m.l]
Uun rooxaan ah oo aan aadamuhu arki karin; jinni.

naar [m.dh] (-ro, ml.)
1. Meesha la geeyo jinniga iyo insiga xagga Eebbe danbiilayaasha ka ah marka ay aakhiro tagaan; cadaab. 2. N. ah: wax aad u kulul.

naasnuujin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naasnuuji. ld naasnuujis.

ogsajiin [m.dh]
(kiim.) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex-ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin.

oojiniisis [m.l]
(baay.) Soo saarista iyo korista ugxanta ee ilmagaleenka xayawaanka gudihiisa.

raajin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raaji. ld raajis.

saadaal-cudur [m.dh]
(daaw.) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafi-maadka guud ee bukaanka, da'da iyo jin-siga bukaanka.

saajin [m.l] (-nno, m.dh)
Askari derejediisu saddax alif tahay.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version