jinni
(m.l)1. Ilwaad; bilic. 2. (-iyo, m.dh) ld jin 1 (1).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jinni ↴
jaan [m.l]
Uun rooxaan ah oo aan aadamuhu arki karin; jinni.
naar [m.dh] (-ro, ml.)
1. Meesha la geeyo jinniga iyo insiga xagga Eebbe danbiilayaasha ka ah marka ay aakhiro tagaan; cadaab. 2. N. ah: wax aad u kulul.
babbisjinni [m.l]
Balanbaalis.
dabayl [m.dh] (-lo, m.l)
1. Hawo xoog leh oo dhan u socota. 2. Xanfar; siigo. 3. Rooxaan ama jinniyo la aaminsanyahay in dadka ay marto ku reebto suuxdin ama xubinno qallal. 4. Dhanka dabayshu ka socoto. 5. ld dabeyl.
duul [m.l] (-lal, m.l)
1. Dad aad u badan oo aan la aqoon. 2. Jinni.
geedjinni [m.l]
Nagaar weyn, leh caleemo balballaaran, miro kulkulucsan oo qodxo dusha ka leh, oo iniinihiisa lagu wareero marka la cun.
habarjinni [m.dh]
Naag jinni ah oo la aaminsanyahay in ay ku nooshahay meelaha biyuhu ku jiraan.
halaq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Xamaaratada inta bogga ku socota sida maska, goodka iwm. 2. Nooc ka mid ah masaska. 3. Jinni.
marnow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-naaday, -naatay)
1. Weel aan wax ku jirin noqosho. 2. Naas geel wax maraq lagu maray noqosho. 3. Qof jinni madaxa ka maray noqosho. 4. Gacan m.: qof cayr noqosho.