Site icon Qaamuus

ereyga

Kaadi

Qaabnaxa: Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2 Isrogrogga: (-iyay, -isay)

U k.: hawl, arrin iwm oo la fulin lahaa in yar dib u dhigid.

Kaadi

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

Dareere kelyuhu dhiigga ka soo miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana soo gudba dhuunta kaadimareenka.

Kaadi

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

(baay.) Dareere biyo ah oo ay sameeyaan organnada qashinsaarka ee xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare, kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha. Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan orgaanik ahayn.

Kaadi

Qaabnaxa: Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2 Isrogrogga: (-iyay, -iday/-isay; -iyi)

Kaadi sii deyn.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga kaadi

ib | kaadar | kaadi dhiigow | kaadibadshe | kaadicaso | waabariisii |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version