Site icon Qaamuus

ereyga

koronkor
(m.l)

Sabuul meseggo oo iniinihiisu caanacaano yihiin oo aan weli bislaan.

koronkor
(m.dh)

Mesego la kariyay, iyadoo aan la shiidin; cambuulo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh koronkor

koronkoraysad [m.l]
ld koronkoraysasho.

koronkoraysasho [m.f.dh]
eeg koronkorayso. ld koronkoraysad, koronkoraysi.

koronkoraysi [m.l]
ld koronkoraysasho.

koronkorayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Badar karsamaya qaar gurasho. 2. Badar koron-kor ka dhigasho.

koronkorro [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Ayaxa dhashiisa aan weli duulid baran.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version